2 mins read

Digniin Culus, Culus: Hayeey, Iska jir, dhinacyada iska fiiri, sibiq yeeyna kugu galin.

Araar.

Qur’aanka Suurad “Banii Israa’iil” la yiraa ma ku jirtaa? Intii aan Saxuurta sugayay, waxaan soo qaatay kitaabka Qur’aanka.

Allaah Suuradaha Qur’aanka qaar wuxuu ku magacaabay Xayawaan waaweyn iyo kuwa yar yar sida: Al Cankabuut” Caaracaaro” Al namal ” Quraansho”. AL Fiil ” Maroodi” Al Baqara” Sac” Waxa uu ku magacaabay uunkiisa kale Sida: Al Shamsi” Qorax”. Al Qamar ” Bil”. Al Najm ” Xiddig”. Al Layl ” Habeen” iyo wakhtiyo kale sida: Al Fajir, Al Casir, Al Lu’xa.

Waxa kale ee uu ku magacaabay, Al insaan, Al jini iyo xatta Qabiil sida Qureysh.
Waxa kale oo uu Suurado ku magacaabay Anbiyadiisa Sida Muxamed CSW, Yunis CS, Nuux CS, Huud CS, Yusuf CS, Ibrahim CS iyo Maryam Nabi Ciise Hooyadii RC.

Allaah Suurado kale wuxuu ku magacaabay wadan Reer Yurub ah “Suuratu Ruum” oo ah Boqortooyadii hore ee Talyaaniga, waxa kale oo Allaah uu ku magacaabay Suurad Qu’aankaa Nin Afrikaan ah “Suuratu Al Luqmaan” , weliba Dowlad Afrikaan ah ayaa Magaceeda lagu sheegay qur’aanka dhaxdiisa “Misra” .

Suuradda “Al kaafiruun” ee Qur’aanka ka mid ah waxaa Rasuulkeena CSW lagu yiri: Dheh ( Lakum Diinukum walii diini) Gaalooy Diintiina ayaad leedihiin Anaguna teeyda.

Dulucda qoraalka

Baryahaan waxaa socdo mashruuc la yiraa: Al-Ibraahiimiya oo la leeyahay waxaa lagu mideenayaa Diimaha, waxaa lagu Abaabulay Dubai, Israel ayaa ka ah Hormuud. isbaheeysiga Shirarkaa Diimaha lagu mideynayo waxaa qeyb ka ah Somalida.

Si yuhuuda loo qanciyo ayaa waxaa Dubai “Daarul Biri” lagu Daabacay Kitaab Qur’aan oo Lacag la’aan lagu siinayo Dadka. Kitaabkaa Suurad ka mid ah ayaa la siiyay Magaca Suuratu ” Banii Isra’iil” si loo qanciyo Israa’iil, Waxaana lagu bedelay Magacii hore ee Suuradda “Al israa” ( F.M: 1, 2& 3aad).
Fiiri Fahraska kitaabka ee magacyada suuadaha 114 suuradood. Magacyada samaawiga ah ee suuadaha laguma sheegin magaca labaad. Anaguba suurad ayaan u naqaan qulhuwale, ikhlaas ayaana ugu qoran Fahraska liiska suuadaha magacyada asalka ah

Iska jirahee Tartiib Tartiib ayaa leeysku hoos galinayaa, ishaadu ha koreeyso, yaan lagu baadiyeeyn Adiga oo aan ogeyn.
Iga raali ahaadahee Saxuurtii ayaa soo dhawe.

FG: Wixii aan ka khalday ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir