1 min read

Dirawalka mooto dishay xildhibaan Soomaali ah oo la maxkamadeeyay

Wadaha mootodadii dishay xildhibaan Kulow Macalim xasan oo ah xildhibaan lagasoo doorto deegaanka Banissa ee Mandera ayaa lagu maxkamadeeyay magaalada Nairobi.

Philip Mweteli ayaa lagusoo dacweeyay in uu mooto si halis ah uu u waday ku dilay xildhibaan Kulow oo arbacadii ku geeriyooday isbitaal lagu dabiibayey ka dib dhaawaca uu u dhiman doono oo soo gaaray sabtidii.

Mr Philip Mweteli, oo lasoo taagay maxkamada sare ee Milimani Esther Kimilu, ayaa diiday shan dacwadood. Wuxuu dafiray in Maarso 25-keedii 2023 xaafadda South B ee magaalada Nairobi, uu si halis ah u kaxaynayey mooto, uuna jiiray dhulkana ku riday xildhibaan Kulow Xasan, halkaas oo dhaawac uu soo gaaray, una geeriyooday isagoo lagu daweynayo isbitaalka.

Mr Mweteli ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu ku guul dareystay in uu shilkaasi soo sheego iyo in uu mootada kaxeynayay ruqsad la’aan.

Mweteli ayaa lagusii daayey damaanad dhan 300,000 oo shilnka dalka Kenya ah.