March 31, 2023
Digniin Culus, Culus: Hayeey, Iska jir, dhinacyada iska fiiri, sibiq yeeyna kugu galin.
Araar. Qur’aanka Suurad “Banii Israa’iil” la yiraa ma ku jirtaa? Intii aan Saxuurta sugayay, waxaan soo qaatay kitaabka Qur’aanka. Allaah Suuradaha Qur’aanka qaar wuxuu ku magacaabay Xayawaan waaweyn iyo kuwa yar yar sida: Al Cankabuut” Caaracaaro” Al namal ” Quraansho”. AL Fiil ” Maroodi” Al Baqara” Sac” Waxa uu ku magacaabay uunkiisa kale Sida: Al […]
20-Saxafi oo lagu beegsaday mudaharaadada ka socda Kenya..
NAIROBI, KENYA — In ka badan 20 saxafi ayaa la weeraray, labadii toddobaad ee ay socdeen mudaharaadadii lagaga soo horjeeday xukuumadda Kenya. Sida laga soo xigtay xarunta warbaahinta ee Kenya, weeraradan ayaa sare u kacay tan iyo markii ay debedbaxyadu bilaabmeen, waxaana saxafiyiinka muuqaalada duuba iyo kuwa sawirada qaadaa ay bartilmaameed u noqdeen, debedbaxayaasha xukuumadda […]
Madaafiic lagu garaacay Xaafado ka mid ah Laas-Caanood.
Kadib dagaal xoogan oo duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa la magac baxay SSC ayaa waxaa tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Xafado katirsan Magaalada Laas-Caanood. Taliyaha Ciidanka Birjeex Ee Gobolka Mudug uga tegay dagaalka Laas-Caanood Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdillahi Xersi Tahliil ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay […]
Dirawalka mooto dishay xildhibaan Soomaali ah oo la maxkamadeeyay
Wadaha mootodadii dishay xildhibaan Kulow Macalim xasan oo ah xildhibaan lagasoo doorto deegaanka Banissa ee Mandera ayaa lagu maxkamadeeyay magaalada Nairobi. Philip Mweteli ayaa lagusoo dacweeyay in uu mooto si halis ah uu u waday ku dilay xildhibaan Kulow oo arbacadii ku geeriyooday isbitaal lagu dabiibayey ka dib dhaawaca uu u dhiman doono oo soo […]
Hoos u dhac ku yimid shirkadda Huawei.
Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei, ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay, inkabadan sadex meelood laba uu hoos u dhac ku yimid faa’idadeeda, iyadoo shirkaddu la daala dhaceysay cunaqabateynta uu saaray Mareykanka iyo xayiraadda xannuunka Covid-19 ee ay soo rogtay dowladda Shiinaha. Huawei ayaa soo warisay wadarta guud ee faa’idadeeda oo ah 5.2 bilyan oo […]
Mareykanka oo bayaan kasoo saaray xaaladda Laascaanood iyo doorashada Somaliland.
Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda Laascaanood, isaga oo ka digaya in colaadda sii socota ay kordhin doonto suurtagalnimada in kooxaha xagjirka ahi ay abuuraan xasillooni darro ballaaran oo uga sii dari doontaa dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee taagan. Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo saaxiibada […]
Qof dembi lagu xukumay madaxweyne maka noqon karaa Maraykan?
Waxaa jira shuruudo aad u yar oo lo dhigay qofka isu soo taagaya jagada madaxweynaha Maraykanka. Sida uu qabo dastuurka Maraykanku, qof kasta oo da’diisu ay tahay 35 jir, isla markaana ku dhashay gudaha Maraykanka, kuna noolaa 14 sannadood wuxuu xaq u leeyahay inuu isu soo taago jagada madaxweynaha. Maadaama aanu dastuurku ku darin shuruudaha […]