1 min read

Hoos u dhac ku yimid shirkadda Huawei.

Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei, ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay, inkabadan sadex meelood laba uu hoos u dhac ku yimid faa’idadeeda, iyadoo shirkaddu la daala dhaceysay cunaqabateynta uu saaray Mareykanka iyo xayiraadda xannuunka Covid-19 ee ay soo rogtay dowladda Shiinaha.

Huawei ayaa soo warisay wadarta guud ee faa’idadeeda oo ah 5.2 bilyan oo dollar, taas oo uu hoos ugu dhacday ku dhawaas boqolkiiba 69, marka loo barbar dhigo faa’idadii ay sameysay sanadkii 2021-kii.

Guddoomiyaha sharikaddaasi, Eric Xu, ayaa sheegay in arrimo ka baxsan ganacsiga ay saameyn ku yeesheen howlaha shirkadda.