2 mins read

Kansarka ku dhaca uur kujirta oo kusoo badanaya dhallinyarada.

Heerarka kansarka uur kujirta ee dadka da’da yar ayaa aad kor ugu kacay sannadihii la soo dhaafay.

inta badan kiisaska la ogaado waxay ku jiraan marxalad hore oo cilmi-baarayaashu ma hubaan waxa keena kansarka.

Marka loo eego tirakoobyada cusub ee Ururka Kansarka Mareykanka, saamiga kansarka uur kujirta ee ku dhacay dadka da’doodu ka yar tahay 55 sano ayaa labo jibaarmay intii u dhaxaysay 1995 iyo 2019.

Taasi waxay la macno tahay, in ku dhawaad ​​1.3 milyan oo qof oo Maraykan ah kuna ku nool Maraykanka isla markaana qaba kansarka uur kujirta ee sanadkii 2019, qiyaastii 273,800 ay ka yaraayeen da’da 55.

Tirooyinka uu saameeyay cudurka ayaa u kordhaya si xawli ah.

Daraasad lagu daabacay JAMA, 2021-kii , ayaa lagu qiyaasay in toddobo sano gudahood, kansarka uur kujirta uu noqon doono sababta ugu weyn ee dhimashada kansarka ee dadka da’doodu tahay 20 illaa 49.

Nooca kansarkan ayaa lagu tilmaamay mid si aad ah u faafi kara iyadoo bukaanku uusan dareemin calaamadaha ama xilli hore uusan booqan dhakhtarka si looga hortago.

Dad badan oo qaan gaar ah ayaan weli ka warqabin in kansarka uur kujirta uu ku dhici karo iyaga, taas oo u horseedi karta inay calaamadaha fahmi waayaan taasoo sababi karta in heerkii wax ka qabashada uu dhaafo.

Cudurkan ayaa la sheegay in ay keeni karto arrimaha khatarta ah ee hab-nololeedka qofka ee , sida dadka da’da yar ee ku nool qaab-nololeed fadhiidnimo si ka badan sidii hore, iyo cunista cuntooyinka ay ku badantahay sonkorta iyo cuntooyinka warshadaysan ayaa dhammaantood waxay u badan tahay inay gacan ka geystaan ​​kor u kaca.

Xogta cusubi waxay muujinaysaa heerka ugu sarreeya ee ogaanshaha kansarka uur kujirta ee haatan lahelay:

·Alaska Natives (88.5 per 100,000)

·Native Americans (46.0 per 100,000)

·Black Americans (41.7 per 100,000).

Si kastaba ha ahaatee, kiisaska sii kordheysa ee lagu ogaanayo dadka da’doodu u dhaxayso 20 ama 30 waxay u badan tahay inay noqdaan kuwo aan la ogaan karin ilaa calaamadaha ay ka soo baxaan.

Calaamadaha kansarka uur kujirta ayey dhakhaatiirtu sheegeen in ay ugu caansanyihiin kuwan hoos ku xusan.

·Saxarada oo dhiig badan lagu arko.

·calool xanuun.

·miisaanka qofka oo si deg deg ah isku dhima.

·Dhiig-yaraan.

·Neefta oo ku yaraata iyo daal ayaa sidoo kale noqon kara calaamado digniin ah.