4 mins read

Taliyaha ciidammada Danab oo beeniyay in ciidammadiisu ay qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

Taliyaha ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya ee uu tababaray Mareykanka, ayaa gaashaanka u daruuray in ciidammo ka tirsan taliskooda ay ka qeybqaadanayaan dagaalka todobaadyada ka socda magaalada Laascaanood.

Korneel Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” ayaa bayaan uu ku daabacay bartiisa Twitterka, waxa uu ciidammadiisa uga fogeeyay warar la isla dhexmarayay maalmahan oo sheegayay in sarkaal ka tirsanaa hogaanka ciidammada Danad lagu dilay dagaalka Laascaanood.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021,” ayuu Korneel Beeryare ku yiri bayaanka.

“Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu sii raaciyay Beeryare.

Korneel Axmed Beeryare ayaa intaas ku daray in bayaanka uu haatan soo saaray uu rajaynayo inuu qeexo dowrka ciidammada Danab kaas oo uu ku tilmaamay inuu ujeedkiisa asaasiga ah yahay in gudaha Soomaaliya ay “kula dagaallamaan ururrada argagixisada”.

“Waxaan doonaynaa inaan hoosta ka xariiqno in ciidammada Danab aanay ka weecan doonin ujeedadaas, sidoo kalana aanay ka qeybqaadan doonin iskudhacyada qabiillada iyo arrimaha qabaa’ilka la xiriiraba.”

.
XIGASHADA SAWIRKA, FACEBOOK

Wararka maalmahan la isla dhexmarayay ayaa tilmaamayay in sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Suleymaan, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo mar soo hogaamiyay urur ka tirsan ciidammada Danab, uu ku dhintay dagaalka Laascaanood.

Maxamed wuxuu mar soo noqday taliyaha ururka afaraad ee guutada kumaandooska ah ee Danab, kuwaas oo saldhigoodu yahay xerada ciidamada Ballidoogle ee uu Maraykanku gacanta ku hayo.

Markale wuxuu noqday taliyaha cutub boliis khaas ah, oo shaqadoodu tahay in ay baaritaano ka sameeyaan goobo aan laga fileyn oo kamid ah caasimadda Muqdisho. Inta badan dadku waxay ciidammadaas u yaqaannaan ‘Booliska Guurguura’.

Taliyaha Ciidammada qalabka-sida ee Soomaaliya, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, oo BBCda lahadlay ayaa sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinnimadiisa.

Mar aan si gaar ah wax uga waydiinnay arrinta Taliye Maxamed, wuxuu sheegay in uusan xasuusan magaca sarkaalkaas, balse uu waayay xubinimadiisii ciidanka marba hadii uu ku biiray dagaalka Laascaanood.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

Hasayeeshee taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidammada qalabka-sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaanood, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.

Kumuu ahaa Maxamed Suleymaan?

.
XIGASHADA SAWIRKA, FACEBOOK

Sanadkii 2011 kii Maxamed wuxuu qayb ka ahaa ciidamo dawladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Uganda, inkasta oo aan la xaqiijin karin in uu xilligaa ku soo biiray ciidanka iyo in kale.

Kadib tababaro kala duwan ayaa Maxamed loogu qaaday qaar kamid ah wadamada Soomaaliya ka caawiya dhismaha ciidamada oo uu kamid yahay Turkigu.

Waqtigii dawladii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu noqday taliyaha ururka afaraad ee ciidamada Danab ee saldhigoodu yahay xerada Ballidoogle, Laakiin sanadkii 2021 kii ayuu u wareegay cutub boolis qaas ah kuwaas oo baaritaano ka sameeya wadooyinka caasimadda Muqdisho, oo uu taliye u noqday.

Markii uu bilowday dagaalka Laascaanood, waxaa baraha bulshada ku baahay muuqaal isaga oo ku sugan furimaha dagaalka, kana hadlaya dagaallo ay la galeen Somaliland iyo khibradda ay kala kulmeen dagaalka.

Ciwaan Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Haybe Shire ayuu ku soo daabacay sawiro isaga qori boobe ah garaarsan marna qoriga wax lagu shiisho wata.

Qof ay qaraabo yihiin ayaa noo xaqiijiayay in Maxamed uu ku geeriyooday dagaal sabtidii la soo dhaafay ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray banaanka magaalada Laascaanood.

Ku dhawaad laba bilood ayaa magaalada Laascaanood waxaa ka socda dagaal sababay dhimasho iyo dhawaac badan. Warbixinno ay soo saareen hay’adaha xuquuda aadanaha ayaa sheegay in tobanaan kun oo shacab ay ka barakaceen magaalada.

Banaanbaxyo ay dhigeen dad shacab ah oo ka gadooday dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada ayaa isu badalay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidanka Somaliland.

Xigasho:BBCSomàli