2 mins read

Duufaan dad ku dishay gudaha dalka Mareykanka.

Ugu yaraan 23 qof, ayaa ku dhintay, kadib markii duufaano ay ku dhufatay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka habeenkii Jimcaha.

Dad badan ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismayaal burburay.

Duufaanadan ayaa burbur xooggan ka geystay dhowr magaalo oo miyi ah, halkaasi oo ay waxyeelin ay gaartey dhirtii iyo xargaha korontada, waxaana la soo sheegayaa in tobanaan kun oo korontadu ay go’day.

Dhawr gobol oo kale oo dhaca koonfurta, ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inay saameyso duufaano xoog badan.

Roobab baaxad leh oo xooggan, ayaa laga soo sheegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

Dadka deggan Rolling Fork, oo ah magaalo yar oo ku taalla galbeedka Mississippi, ayaa sheegay in duufaantu ay daaqadaha kasoo gashay gadaasha guryahooda. Khasaaraha ka dhashay deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u daran yahay.

Brandy Showah, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa CNN u sheegay: “Weligay ma arkin wax sidan oo kale ah…Tani waxay ahayd magaalo yar oo aad u weyn, haddana iyadoo dhan way burburtay.”

Cornel Knight, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in isaga, xaaskiisa iyo gabadhooda oo saddex jir ah, ay ku sugnaayeen guri dad ay qaraabo yihiin oo ku yaalla Rolling Fork, isla markaana ay “xaaladdu daganeyd” wax yar ka hor inta aanay duufaantu dhicin.

Waxa uu sheegay in cirku mugdi ahaa, balse “Waxaad ka arki kartay jihada loo socdo, oo ay duufaantu u socoto”.

Waxa uu sheegay in duufaantu ay ku dhufatay guri kale oo ay qaraabo ahaayeen, halkaasoo uu ku soo dumay darbi, isla markaana ay ku xayirmeen dad badan oo ku sugnaa.

Dad kale ayaa ku go’doonsan goob qashin qub ah, halka qaar ka mid ah qaybaha sharci fulinta aan la la ogeyn halka ay ku sugan yihiin ee aagga Shaarkey.

Sam Emmerson oo ka tirsan Kulliyadda Saadaasha Hawada ee Jaamacadda Oklahoma, ayaa sheegay in duufaanta “aad u saraysa” ay keentay sarana u qaadday qashinka ka sarreeya 30,000ft (9144m).

Mid ka mid ah saadaasha cimilada deegaanka, oo ka walaacsan xoogga duufaanta ku soo wajahan magaalada Amery, ayaa muddo yar hakiyay saadaashii TV-ga, si uu ugu duceeyo dadka magaalada.

Guddoomiyaha Mississippi, Tate Reeves, ayaa Twitter-ka ku sheegay in kooxaha wax goobista iyo samata bixinta ay taageero caafimaad u fidinayaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

“Qaar badan oo ka mid ah dad reer [Mississippi] Delta, waxay u baahan yihiin ducada iyo ilaalinta Ilaah caawa. Daawo warbixinnada cimilada oo ka digtoonow habeenkii, Mississippi! “, Reeves ayaa qoray.