1 min read

RW Xamsa oo Koobka guddoonsiiyay deegaanka Gubadleey oo ku guuleystay Koobka Degmooyinka & Deegaannada G/ Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u hambalyeeyey Xulka deegaanka Gubadleey oo ku guuleystay Koobka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho, isagoona guddoonsiiyey Koobka tartanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey Xulka Degmada Warta-Nabadda oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

May be an image of 1 person and standing

Waxaan rajeynayaa  in cayaaruhu ay dhallinyarada  ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan. Waxaan kuligeen u xil saarannahay inaan nabadda ka shaqeyno oo isku xirnaanno guryaheenana garan waaga ka saarno. Sida uu yiri RW XFS Xamsa Cabdi Barre.

May be an image of 7 people and people standing

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka Caasimadda.

May be an image of 6 people and people standing

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.