10 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Shabaabka Dalka marka aan ka xorreyno ka bacdi maxaa sameyneynaa..”

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu soo bandhigay Waxqabadka Xukuumadda ‘Dan-Qaran’ ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay howlaha ay qabatay Xukuumaddu, shaqooyinka horyaalla & Xaaladda guud ee Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Shaqo abuurka Dhalinyarada, Maalgashiga, wadashaqeynta Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah, dhismaha Ciidamada qalabka sida & guud ahaan Xaaladda Dalka.

Dhinaca Amniga:

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca Amniga ku sheegay Ahmiyadda 1aad ee Dowladdiisa Diiradda saartay, waxa uu sheegay in ‘AS’ laga qabsaday deegaanno & Degmooyin muddo fog ay ku sugnaayeen.

Waxa uu bogaadiyay Ciidamada Dowladda Federaalka isaga oo tilmaamay in door muuqda ay ku leeyihiin dhalinyarada oo qaarkood naftooda ku waayay dagaallada, ujeedkooda ugu weyn ayuu ku sheegay in ay ahayd sidii ‘AS’ looga saari lahaa guud ahaan Dalka.

Xoojinta wadashaqeynta Ciidamada Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Shacabka ayuu ku sifeeyay in door wanaagsan ay ka qaadeen in ‘AS’ laga qabsado Degmooyin waqti dheer ay joogeen kuna sheegay in ay dhibaateynayeen ‘Dadka Shacabka’ waa sida uu hadalka u dhigay.

haddii nagala cafiyo $5 Bilyan oo dollar ayaa dhowr & toban sano cafinteeda la tacaaloonaa, iskama gudi karo ee halaga cafiyo ayaan leeyahay waxa aan sidaas u leenahay in aan deyn kale qaado, Deynta kale ee aan qaadano labo waddo oo kale ayuu inoo furayaa oo ah in aan korontadeena Warshado ma kicin karto ayaa nala dhahay in aan sameyno mid kicin karta, Khayraatkeeda badda lasoo baxno oo aan beerano beeraha aan leenahay, midda kale waa in aan deyn soo qaadano oo bishii mushahar ku qaadano ama muwaacino ku bixino oo 20-sano kaddib nalagu yeesho $500 oo Bilyan oo aan bixin weyno, marka waa in aan deynta aan qaadano dalka ku maalgelinaa oo aan ku furnaa goobo waxbarasho & waxsoosaar dib usoo celinaya deynta”Sheekh Maxamuud.

Ka faaiideysiga Fursadaha Dalxiisayaasha:

Waxa uu dhiirrageliyay in laga shaqeeyo fursadaha maalgashiga & dalxiiska Soomaaliya si ay waddanka ugu soo hirtaan dadka daneynaya in ay tagaan dalalka Cimiladoodu wanaagsan ee aanay lahayn kuleelka badan ama qabowga daran, riyadaas ayuu sheegay in lagu hirgelin karo in loo istaago si loosoo jiito Dadkaas.

billaahi Caleykum maxaa inoo diiday in aan noqo kuwa lasoo aadayo marka Yurub & Khaliifka uu kuleelka ama qabowga badan uu ka jiro, ilaahey ayaa na siiyay fursaddaas oo kii qabow ka yimid & kii kuleel kasoo cararay imaan karo oo sanadka 12ka bilood aadan shaatiga iska baddeleen oo aadan lahayn dharka qabowga ama kuwa kuleelka, inaga ayay nagu xiran tahay” ayuu yiri MW JFS.

Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & Deyn Cafinta:

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is  dul dhigay labada qodob ee ah waxa la sameyn karo marka ‘AS’ Dalka laga saaro & marka soo dhammaato howsha deyn cafinta Soomaaliya oo labadaas fursad bannaanka usoo bixi karaan.

Waxa uu ku tilmaamay ‘Seef labo Afleey ah’ oo la aadi karo waddo qaab-darro lagu tago iyo dhabbe loo mari dhanka wanaagga, labadaas Doorasho ayuu sheegay in ay Soomaalidu u furan tahay hadba midda la raaco.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu soo bandhigay Waxqabadka Xukuumadda ‘Dan-Qaran’ ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay howlaha ay qabatay Xukuumaddu, shaqooyinka horyaalla & Xaaladda guud ee Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Shaqo abuurka Dhalinyarada, Maalgashiga, wadashaqeynta Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah, dhismaha Ciidamada qalabka sida & guud ahaan Xaaladda Dalka.

Dhinaca Amniga:

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca Amniga ku sheegay Ahmiyadda 1aad ee Dowladdiisa Diiradda saartay, waxa uu sheegay in ‘AS’ laga qabsaday deegaanno & Degmooyin muddo fog ay ku sugnaayeen.

Waxa uu bogaadiyay Ciidamada Dowladda Federaalka isaga oo tilmaamay in door muuqda ay ku leeyihiin dhalinyarada oo qaarkood naftooda ku waayay dagaallada, ujeedkooda ugu weyn ayuu ku sheegay in ay ahayd sidii ‘AS’ looga saari lahaa guud ahaan Dalka.

Xoojinta wadashaqeynta Ciidamada Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Shacabka ayuu ku sifeeyay in door wanaagsan ay ka qaadeen in ‘AS’ laga qabsado Degmooyin waqti dheer ay joogeen kuna sheegay in ay dhibaateynayeen ‘Dadka Shacabka’ waa sida uu hadalka u dhigay.

Berri halka aan u socono waa in aan isu sheegno haddii aan nahay Dowlad & Haddii aan nahay Dadweyne, Dalka dad badan baa qiimo ku leeyahay, waxaa halkaan naloo soo sawiray oo tusaale naloogu soo qaaday wiilal dhalinyaro ah oo da’ yar oo mid weliba la dhihi karo cimrigiisa meeshii ugu micno badneed waaye ayaa u dhintay Maxaa Dadkaan sharaftooda, karaamadooda, Diintooda & Dadnimadooda in la ilaaliyo ayay u dhinteen, waxaa maanta inoo billowday qaabeynta berri oo haddii ay fiicnaan lahayd & haddii kaleba, marka waa in aan berrideena qaabeynaa”MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka faaiideysiga Fursadaha Dalxiisayaasha:

Waxa uu dhiirrageliyay in laga shaqeeyo fursadaha maalgashiga & dalxiiska Soomaaliya si ay waddanka ugu soo hirtaan dadka daneynaya in ay tagaan dalalka Cimiladoodu wanaagsan ee aanay lahayn kuleelka badan ama qabowga daran, riyadaas ayuu sheegay in lagu hirgelin karo in loo istaago si loosoo jiito Dadkaas.

“billaahi Caleykum maxaa inoo diiday in aan noqo kuwa lasoo aadayo marka Yurub & Khaliifka uu kuleelka ama qabowga badan uu ka jiro, ilaahey ayaa na siiyay fursaddaas oo kii qabow ka yimid & kii kuleel kasoo cararay imaan karo oo sanadka 12ka bilood aadan shaatiga iska baddeleen oo aadan lahayn dharka qabowga ama kuwa kuleelka, inaga ayay nagu xiran tahay” ayuu yiri MW JFS.

Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & Deyn Cafinta:

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is  dul dhigay labada qodob ee ah waxa la sameyn karo marka ‘AS’ Dalka laga saaro & marka soo dhammaato howsha deyn cafinta Soomaaliya oo labadaas fursad bannaanka usoo bixi karaan.

Waxa uu ku tilmaamay ‘Seef labo Afleey ah’ oo la aadi karo waddo qaab-darro lagu tago iyo dhabbe loo mari dhanka wanaagga, labadaas Doorasho ayuu sheegay in ay Soomaalidu u furan tahay hadba midda la raaco.

Shabaabka Dalka marka aan ka xorreyno ka bacdi maxaa sameyneyaa, Deynta marka lanaga cafiyo kaddib maxaa sameyneynaa, waa Seef labo Afleey ah, ‘AS’ haddii aan dalka ka xorreyno qaab-darro waan qabnaa oo waan aadi karnaa, waddo qaab-darro lagu aado way furan tahay, waddada aan rabnay ee karaamada, Cisiga & Sharafta lagu tagayana way furan tahay” ayuu yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Deynka haddii nagala cafiyo $5 Bilyan oo dollar ayaa dhowr & toban sano cafinteeda la tacaaloonaa, iskama gudi karo ee halaga cafiyo ayaan leeyahay waxa aan sidaas u leenahay in aan deyn kale qaado, Deynta kale ee aan qaadano labo waddo oo kale ayuu inoo furayaa oo ah in aan korontadeena Warshado ma kicin karto ayaa nala dhahay in aan sameyno mid kicin karta, Khayraatkeeda badda lasoo baxno oo aan beerano beeraha aan leenahay, midda kale waa in aan deyn soo qaadano oo bishii mushahar ku qaadano ama muwaacino ku bixino oo 20-sano kaddib nalagu yeesho $500 oo Bilyan oo aan bixin weyno, marka waa in aan deynta aan qaadano dalka ku maalgelinaa oo aan ku furnaa goobo waxbarasho & waxsoosaar dib usoo celinaya deynta” Xasan Sheekh Maxamuud, MW JFS.

Arrimaha Dastuurka:

MW Xasan Sheekh Maxamuud.

“Deynka haddii nagala cafiyo $5 Bilyan oo dollar ayaa dhowr & toban sano cafinteeda la tacaaloonaa, iskama gudi karo ee halaga cafiyo ayaan leeyahay waxa aan sidaas u leenahay in aan deyn kale qaado, Deynta kale ee aan qaadano labo waddo oo kale ayuu inoo furayaa oo ah in aan korontadeena Warshado ma kicin karto ayaa nala dhahay in aan sameyno mid kicin karta, Khayraatkeeda badda lasoo baxno oo aan beerano beeraha aan leenahay, midda kale waa in aan deyn soo qaadano oo bishii mushahar ku qaadano ama muwaacino ku bixino oo 20-sano kaddib nalagu yeesho $500 oo Bilyan oo aan bixin weyno, marka waa in aan deynta aan qaadano dalka ku maalgelinaa oo aan ku furnaa goobo waxbarasho & waxsoosaar dib usoo celinaya deynta”Xasan Sheekh Maxamuud, MW JF

Arrimaha Dastuurka:

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu ka hadlay Arrimaha Dastuurka waxa uu sheegay in howlaha la xiriira qabyo-tirkiisa in dalka gudihiisa looga hadlayo isla markaana aanay noqon doonin mashruuc furan oo aan dhammaad lahayd.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in doorkooda ay ka qaadanayaan marba magaalo looga doodi dooni maadaama ay yihiin dadka uu taabanayo ku dhaqankiisa ay yihiin si horumar loogu sameeyo dhaqangelintiisa.

Si Soomaalida qurxoon ee 40ka sano kaddib aan rabno waddii aan u mari lahayn waaye Dastuurka, qodobka labaad waxa aan go’aaminay Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo. Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa waddadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

La xisaabtanka Madaxda Xilalka heysa:

Waxa uu sheegay in madasha lagu soo bandhigayo waxqabadka Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladdu ay sii socon doonaan si Bulshada Soomaaliyeed ay u ogaadaan howlaha socda.

Hay’ad weliba ayuu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in Bulshadu hor imaan doonto si ay usoo bandhigto waxqabadka & howlaha u qorsheysan si Dadku ay ogaadaan Dowladdu waxa ay damacsan tahay waa sida uu hadalka u dhigay.

“Madashaan caawa furantay ilaahey idinkiis waa sida ay u furantay, way socon doontaa, Wasiirada in baan imaan doonto, Guddiyada Baarlamaanka nafsatooda way imaanayaan & Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Madaxdooda ayaa hor imaan doonno Dadka meel weliba oo ay joogaan ileen dadka Soomaaliyeed Xamar oo keliya ma joogaan si ay fursad u helaan” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo bandhigtay Waxqabadkeeda muddada ay joogto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirrageliyay in ay kordhiyaan dardargelinta howlaha horyaalla.