1 min read

Suufigii weynaa ee Imaam Juneyd: ORAAH RUN BADAN

Oraah run badan oo loo tiiriyo suufigii weynaa ee Imaam Juneyd, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Juneydkii reer Baqdaad’ (830-910) ayaa waxay tiraahdaa: “Beenaaluhu afartan sano ayuu mowqifkiisa ku adkaystaa, runlowguna maalinkii afartan jeer buu runtiisa ka shakiyaa.”

Shakigu waa waddada xaqa loo maro. Shaki la’aanta iyo xasillooniduna waa nimco kuwa dhintay oo keli ahi ay ku naalloon karaan. Haddii aan shaki jiri lahayn, oo cid waliba waxa ay haysato ay isaga qanci lahyd lama heleen cilmi, diin, falsafad, fan, suugaan iyo horumar toona. Cilmiga, diinta, falsafadda, fanka iyo suugaantu waxay baraaraan, oo bilic iyo raandhiis loo aayo ay yeesheen marka lagu qanci waayo wixii horay loo haystay ee la isku hawlo in wax ka beddel iyo horumarin lagu sameeyo, si loo helo wax dhaama.

أَمّا اليَقينُ فَلا يَقينَ وَإِنَّما
أَقصى اِجتِهادي أَن أَظُنَّ وَأُحدِسا
(أبو العلاء المعري)