1 min read

Daadad ku soo rogmaday Baardheere oo sababay dhimashada 9-ruux.

Warrarka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya, in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen kadib markii uu la tagay daad ka soo rogmaday tog ku yaala degmada Baardheere, sida uu sheegay maamulka deegaanka.

Daadka soo rogmaday ayaa ka dhashay roobbab maahigaan ah oo xalay dhawr saacadood oo xiriir ah ka da’ayay magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda.

Sedex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay daaddadka magaalada ku soo rogmaday, iyadoo sedex qof oo kalena wali lagu la’yahay togga ay ku dhaceen.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo waxa xalay ka da’ay roobka guga, kaasoo dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen.