1 min read

Dowladda iyo Al-Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka Daaru Nicma.

Muqdisho — Dawladda Soomaaliya iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal saaka ka dhacay degaanka Daaru Nicma ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Warbaahinta rasmiga ah ee dalwadda Soomaaliya, oo soo xiganaysay taliyaha ciidanka dhulka Sarreeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi, ayaa sheegtay in ciidamada dawladdu ay iska difaaceen weerar uga yimid Al-Shabaab ayna dileen 30 ka tirsan mintidiinta.

Dhinaca kalena warbaahinta taageerta Al-Shabaab, oo soo xiganaysay af-hayeneka Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen 28 ka tirsan ciidamada dawladda iyo Macawiisleyda degaanka.

Illaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin sheegashooyinka labada dhinac.

Dagaalkan ayaa yimid ayada oo dowladdu ay isu diyaarineyso wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda, kaasi oo wejigiisii hore kooxda looga saaray degaano badan oo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo gobollada kale ee dalka qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasibad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya wuxuu xalay ku saxeexay illaa sideed sharci, oo kasoo gudbay baarlamanka, oo uu ka mid yahay sharciga la-dagaallanka argagixisada.