1 min read

Nabadoon Xuseen Daamey oo habeenkii 4aad si sharci-daro ah ugu xiran xabsi ku yaal Jowhar.

Nabadoon Xuseen Daamey waxa uu habeenkii 4aad si sharci-daro iyo ku tumasho xaquuqda Aadanaha xabsi ku yaala Johwar ugu jiraa Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Guddoomiye Axmed Faal lacag isbaaro ah oo wiilkiisa ay ku sheeganayaan inuu ka dhaca awgeed.

Wiilka Nabad-doonka wuxuu lacag ururiye uga ahaa labadan Mas’uul Isbaarada gaadiidka lacagta looga qaado ee Ceel-Cade oo ku taala duleedka Muqdisho, iyagoo markii horeba shaqada ku siiyay aqoontiisa 8 sanno ka hor, sidoo kalena aan lagala tashan Aabihiisa waa Nabadoonka xirane.

Hadda waxay Nabad-doonka oo da’ ah, Culumo ah, wadno xannuun iyo Dhiig-kar qaba ay doonayaan iney Saldhigii Booliska Jowhar dhexdiisa uga dhalaaliyaan lacag 5000$ ah oo ay sheegayaan inuu wiilkiisa ka dhacay, Wiilkaasi oo aan weliba lagu heynin NO LOL IYO GEERI, markii ugu war dambeysayna uu labadan Mas’uul u shaqeynayay.

War Nabadoonka Maxkamad keena ma ogola, Sharciga ay ku hayaan Nabadoon Xuseen Daamey oo ah Nabadoonka Beesha Xawaadle oo guryo iyo ganacsi ku leh Jowhar waxba kama duwana midka duurka.

Dhaqankani iyo dulmigaasi ma yahay mid Hiiraan iyo Sh/Dhexe iskula jiri karaan HIR-SHABEELE!! fadlan share dhaha Caddaalad-darada uu Xabsiga ugu jiro raggan doonaya iney lacag ka dhalaaliyaan, tiiyoo aaney wax dan ah ka laheyn inuu Sharciga shaqeeyo ama uu xannuun ugu dhinto Xabsiga!!!