1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa aqalka madaxtooyada Uganda kulan kula yeeshay, madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Alshabaab iyo shirka dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee dhowaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweyne Museveni, ayaa dhankiisa ballan qaaday in dowladdiisa ay garab istaagi doonto Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale tababarro usoo xiray cutubyo ka mid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo lagu tababarayay dalkaas.