1 min read

Dhalinyaro ku xirnaa xabsiyada Liibiya oo maanta Muqdisho soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta dalka dib loogu soo celiyay 11 dhalinyaro soomalai ah oo ku xidhnaa xabsiyada dalka Liibiya.

Dhalinyaradan ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee magalada Muqdisho.

Xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo wasaaradda arrimaha dibedda oo kaashanaya hey’adda socdaalka ee IOM ayaa ku guuleystay in dhalinyaradan maanta dalka dib loogu soo celiyo.

Ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta ee dowladda Soomaaliya Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf , ayaa sheegtay in xafiiska uu ka shaqeeyn doonno soo celinta dadka muhaajiriinta ee ku xiran xabsiyada caalamka.

Dowladda Soomaalya ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay waxay ku guulaysatay in dalka ay dib ugu soo celiso dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya.