4 mins read

QAXA XAMAR IYO TAARIIKH LA AASAY.

Xamar iyo daafahiisa dhowr qax ayaa hore uga dhacday kanise aniga iyo caruurteeyda waa nagu daba dheeraaday. Waxaana hore uga jiri jiray dagaalo gobanima doon ah ama dulmi diid.bal fiiri mar kale buuga Marqaati BAQIYATUL AAMAALKA,oo ay ku qorantahay in lmaam Maxamuud lmaam Axmad Imaam Maxamad Imaam Cumar Hilowle asigoo Xamar Xukumaya ayaa maalin Axad ah bisha Jamaadul Aa-khir. sanadkii S 1112 Hijriya, waxaa Xamar lagu soo Weerara 7-markab Waana la jebiyay kuwii ku soo duulay, qaxna waa jiray.

Mar kale qarnigii 16-aad bilowgiisii Abgaalkii Xamar degenaa ayaa la cadaadiyay markaa ayeeyna xamar xoog ku qabteen ayigoo dibadda ka soo weeraray taa oo keentay qaxii ugu weeynaa ee Xamar laga qaxo.

Waxa kale oo uu qorayaa buugu in markaa kadib uu jiray qax kale laakin markaan ma aheeyn dagaal ee waxaa xamar looga qaxay daacuun, mar kale inginiiska ayaa badda madaafiic uga soo garaacay Xamar inkastoo dhibaato culus loo geystay deg. Boondheere, haddana markaan lama qixin waase lagu sigtay.

Mar kale ayaa magaaladu cabsi iyo qalqal qax dareentay Fiiri Marqaati buuga L’ Italia Nel Banadir 1884-1896 ee uu qoray Giuseppina Finazzo cutubka XIV, qeybta 6aad bogga 304-305, weerarka ciidamadii taliye Trevis & 90 askari ee uu watay ay duulaan isaga horyimaadeen Diinle Mataan. markii Diinle diiday inuu raaco amarka Talyaaniga. Diinle wuxuu ka baxay Xamar wuxuuna isku urursaday meel 24Km u jirta oo la yiraah (Sciauri) waa sida uu u goray Giuseppino, Diinle oo doonayay inuu Xamar halkaa duulaan uga soo qaado.

Duulaankaa dhinac waqooye uga imaanayay kaliye cabsidu kuma koobneey ee dhinacii koofure ee loo qixi lahaa ayaa cabsi kale ka timid. Fiiri Margaati kale isla buugaa bogga ay 336, 23 Nov. 1896 dagaalkii Lafoole ku dhex maray Wacdaan iyo Talyaaniga, cidamadii Talyaaniga oo ay hogaaminayeen taliyeyaasha Stafetta Volturno & saraakiil kale ayaa ku warbixiyay :Wacadaan ayaa anaga iyo 70-askari oo aan watay na weeraray, hantidii waa naga qaateen, 17 waa naga dhaawaceen, 18-na waa naga dileen, inteenii kale firxad ayaan Xamar ku soo galnay kaddibna qunsulkii Talyaaniga Sinyor Marvesi ayaa amar ku bixiyay in la xiro odayaasha Wacdaan ee Xamar jooga.

Xagee loo qaxaa dhinaca xeebtu waaba halkii uu ka bilaawday dagaalka gumeeysi diidka ahaa ee lagu dilay ajnabigii ugu horeeyay oo reer galbeed ah ee soomaaliya soo galay.Shaqsigii ugu horeeyey ee la dilo kadib markii gumeysigu Afrika qeybsaday 1884-kii, wuxuu ahaa: “TANEETI SAVAGLI” (com. Volta). Ka dibna sawir qaadihiisii Bertorello iyo lix nin oo ciidan ah oo la socotay ayaa lagu dilay magaalada Warsheekh, 24-kii Abril 1890-kii, fiiri marqaati L’Italia Nel Banadir.kadib markii ay dooni yar ka soo qaateen markab xeebta u yiil. kaba sii darane cadale u gudub.

koox ajnabi gumeeysi ah ee lala dagaalamo tii ugu horeeysay , fiiri marqaati L’Italia Nel Banadir bogga 226aad oo leh “Bishii Juun 1891-kii, oo ay ku qoran tahay. Beesha cabdalla caroone oo ka tirsan Abgaal ayaa soo weerartay magaalada cadale, si ay u ridaan calanka Talyaaniga oo shirkadda Filonardi ay ka taagtay cadale.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Talyaaniga waxey ka cabatay weerarkaa lagu qaaday ciidan uu hor socday Caqiid Saalim iyo 50-askari oo ajnabi ah, 45-ka mid ah ajnabigii ayaa goobta lagu dilay, dhaawaciina waa la dhameystiray sida ku qoran dokumentiga turjubaankii Filonardi Abuubakar Bin Aohod oo hadda aad ka heli karto wasaarada arrimaha dibada ee talyaaniga iyo buuga L’Italia Nel Banadir. Xamar iyo hareerihiisa mar kasta waa la qixi jiray.

( qax xamar u soo qax ka sii qax. hanoo dambeeyee,taariikh kasta ee gumeesi lagula dagaalamay meeshii ay doonto somaliya haka dhacdee ,waxaa ku faani kara qof kasta oo Somali ah.haddaba aqristoow maxaa taariikhdan gumeeysi la dirirka ee ex-banaadir naloogu bari waayay isgoolada,ama meel un loogu magacaabi waayay geesiyadii ex-banaadir?.

FG: ogoow anigu kuma dhan ex-Banadir ,deegaan ahaana kama soo jeedo laakin waan ku faani karaa wixii xamar, balcad, warshiikh ,cadale iyo lafoole ka dhacay,ka Somali ahaan).

Qore: yahya Amir