1 min read

Nin Soomaali ah oo ku guuleystay abaalmarinta ganacsiyada yaryar ee ugu fiican gobolka Minnesota.

Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Maraykanka ayaa Cabdiraxmaan Ciise Kaahin, Madaxa & Mulkiilaha maqaayadaha Afro Deli and Grill, u doortay inuu noqdo shakhsiga ugu wanaagsan ganacsiga yar yar ee Minnesota 2023.

Abdiraxmaan Waxuu Minnesota ka abuuray ganacsi cunto duwan oo isagu jirta Soomaali, Carab iyo Maraykan.

Waxuu abaalmarintan ku gaaray Abdiraxmaan inuu bulshadiisa dib u maalgaliyo, isagoo xiligii Xayiraadahana coroona uu shaqaalaha caafimaadka marmar siin jiray cunto isaga oo u mahadcelinayo.

Guusha iyo abaalmarinta uu helay ayuu uga waramay weriye Siyad Said Salah.