1 min read

DEG-DEG: Isku Aadka QChampions League Oo La Soo Saaray.

Isku aadka Semi-final-ka koobka champions League ayaa soo saaray kulamo xiiso leh iyada oo kooxo waaweyn afka iska galeen.

Kadib markii la sameeyay isku aadka 8 dhamaadka tartanka waxa la raaciyay isku aadka wareega Semi-final-ka oo xigi doona.

Koox reer Italy ah ayaa la hubaa in ay iska xaadirin doonto final-ka champions League hadii ayna Benfica lama filaan qarxin oo ayna ka dhex bixin 3 kooxood oo reer Italy ah.

Dhinaca kale kooxaha ugu magac weyn tartanka ee ku hadhay ayaa isaga hor iman doona wareega Semi-final-ka hadii ay dhaafaan wareega 8 dhamaaadka tartanka.

Lugta hore ee semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa May 9 iyo 10, halka lugta labaad la ciyaari doono 16 iyo 17 May.

Halkan Hoose kaga bogo isku aadka wareega Semi-final-ka tartanka champions League:

Ac Milan/ Napoli Vs Inter Vs Benfica

Real Madrid/ Chelsea Vs Man City/ Bayern Munich