1 min read

Soomaali Tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay Xeebaha dalka Türkiye.

Faahfaahino dheeraad ayaa laga helayaa 2 Dooni oo hal maalin ka hor ku degtay Xeebaha dalka Türkiye, kadib, markii laga soo celiyey Badda dalka Giriiga.

Labadaas Dooni waxaa saarnaa ugu yaraan 42 qof oo Muhaajiriin ah, iyadoo 4 ka mid ah dadkaasi oo kala ahaa 3 rag iyo qof dumar ah ay ku dhinteen meel ka baxsan Xeebaha Badda Aegean ee dalka Turkiye.

Muhaajiriinta la socday labada Dooni waxaa laga helay meel ku dhow Gacan-biyoodka The Dilek Peninsula ee Degmadda Kuşadası ee Gobalka Aydin ee Galbeedka dalka Türkiye.

Kooxo ka tirsan Ciiddanka Ilaalada Xeebaha ee dalka Türkiye ayaa soo badbaadiyey 38 Muhaajiriin Shisheeye ah oo la socday labadii doon ee ay Giriiga soo celiyeen.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyey waxaa haatan lagu hayaa Xarunta dib-u-celinta Ajaaniibta  oo ku taalla magaalladda Ayvacık ee Gobalka Marmara ee W/Galbeed ee dalka Turkiye.

Dhinaca kale, Muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedeen dalalka Somalia, Yemen, Ethiopia, Eritrea iyo Gambia.

Inta badan dadka Muhaajiriinta waxay Turkiye kaga sii gudbaan dalalka Europe ee kaabiga ku haya Waqooyiga Badda Mediterranean Sea, iyagoo ku naaloonaya inay ka heli doonaan Nolol ka Wanaagsan tii ay ku haysteen dalalkooda Hooyo.