1 min read

Dagàal u dhaxeeya Soomaali iyo Oramo oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomalida ayaa sheegaya in Ciidanka Degaanka oromia ay weerar geestay qasaaro xoog leh kuqaadeen Tulooyin katirsan dagmada Tuli-guled oo Soomaalida ay degan tahay.

Dagaal xooganaa ayaa dhexmaray Maleeshiyaadka Oromada iyo kuwa Soomaalida oo dhammaantood Xoolo dhaqato ah, waxaana jira khasaaro kadhashay dagaalka kaas oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay

in ka badan 10 qof oo dhinacyada ah ayaa ku dhintay dirirta sidoo kale waxa jira tiro kale oo ku dhaawacantay balse tirada saxda ah lama oga .

Wararka ayaa sheegaya in Colaadan ay salka kuheyso is Qab Qabsi dhuleed kaas in badan kuso noq-noqday nawaaxiga Tuli-guleed ilaa iyo hadana majirto tallaabo wax looga qabanayo oo uu qaaday maamulka deegaanka.

Arintaan ayaa sii xoogeysatay kadib markii maamulka oromia uu degmo cusub ka sameeyay Nawaaxiga Tuli-guleed waxayna ubaahan tahay in xal-waara la gaaro  si nabad lo helo.

Ugu dambeyn weerarkaan ahaa waxa uu kusoo aadayaa xili galbeedka gobolka sitti ee dowlad deegaanka soomali galbeed uu kasocdo dagaal adag oo u dhaxeeyo soomalida iyo canfarta islamarkaana ilaa iyo hadda aan waxba laga qaban .