1 min read

TikTok oo laga mamnuucay taleefoonnada shaqaalaha dawladda UK.

Shirkadda shiinaha laga leeyahay ee bulshadu adeegsato – TikTok ayaa laga mamnuucay in lagu isticmaalo talefoonnada dawladda UK oo ay ka mid yihiin kuwa wasiirrada iyo shqaalaha kale.

Wasiirka Xafiiska Raysal wasaaraha Oliver Dowden ayaa goor dhow bayaan ka hor akhrin doona xildhbaannada.

Inkastoo aanay jirin faallo rasmi ah, hadana Mr Dowden ayaa la filayaa in uu xaqiijiyo xayiraadda laga saaray aaladdan dhammaan qalabka dawladda.

TikTok ayaa wajahaysay eedeymo ah in ay xogta adeegsadayaasha u gacan galiso dawladda Shiinaha, balse shirkaddan ayaa gaashaanka u daruurtay eedaymahan.

Xarunta amniga internetka ee UK ayaa qiimeynaysay in TikTok laga mamnuuco talefoonnada dawladda, iyada oo dawladdu ay cadaadis kala kulmeysay baarlamaanka oo donayey in lagu daydo Maraykanka iyo Midowga Yurub oo laga mamnuuco aaladda qalabka dawladda.

Canada iyo Beljamka ayaa Tallaabo tan la mid ah qaaday.

TikTok ayaa sheegtay in xayiraaddu ku saleysantahay ”cabsi aan halkeedii joogin, waxayna u muuqataa in ay siyaasad dabada ka riixayso”, iyada oo kusii dartay inay ay ”tallaabada UK niyad jabisay”.

Baarlamaaka UK ayaa akoonkiisii TikTok xiray bishii Agoosto ee aan kasoo gudubnay. Akoonka TikTok ee aqalka ingiriiska looga arrimiyo Downing Street ayaan waxba lasoo galinin tan iyo markii Raysal Wasaarihii hore ee UK Boris Johnson uu xafiiska ka dagey sibteembartii u dambeysay.