1 min read

In ka badan kun muhaajiriin ah oo ku go’doonsan xeebaha Talyaaniga.

Xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo badbaadinayo 1,300 oo tahriibayaal ah, oo la socday doomo aad loo buux dhaafiyay.

Ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha ee dalkaasi, ayaa sheegay inay ku dadaalahayaan sidii ay u caawin lahaayeen saddex markab oo u dhow gobolka koonfurta ee Calabria.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa hawlgalka ku tilmaamay mid “adag”, sababo la xiriira tirada doomaha iyo dadka khatarta ku jira awgeed.

Dadaalka samata bixinta, ayaa imaanaya ku dhawaad ​​labo todobaad kadib markii ugu yaraan 73 muhaajiriin ah, ay ku dhinteen doon ku degtay isla gobolka.

Dadka dhintay, ayaa waxaa ku jiray wiil lix jir ah oo meydkiisa la helay Jimcihii.

Ka dib musiibadii bishii hore, dowladda midigta fog ee Talyaaniga, ayaa lagu eedeeyay inaysan wax ku filan ka sameynin inay ka hortagto khasaaraha nafeed.

Ra’iisul wasaare Giorgia Meloni, ayaa ka jawaabtay iyadoo geysay golaheeda wasiirada goobta uu burburka ka dhacay ee magaalada Cutro.

Waxa ay soo jeedisay in xabsi ilaa 30 sano ah lagu xukumo dadka wax tahriibiya, ee sababa dhimashada iyo dhaawaca halista ah.

Dalka Talyaaniga, ayaa waxaa sanadkan ku soo badanaya dadka tahriibayaasha ah, ee ku imanaya dhanka badda.

Waxay diiwaangelisay saddex laab tirada dadka yimid isla muddadaas sannadkii hore, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.