1 min read

Bangiga weyn ee Silicon Valley Bank oo musalafay

Xeer-ilaaliyeyaal Maraykana, ayaa xiray Bangiga Silicon Valley (SVB), waxayna la wareegeen kaydkii macaamiishooda, taasoo noqoneysa fashilkii ugu weynaa ee bangi Maraykan ah, tan iyo sanadkii 2008dii.

Tallaabooyinka, ayaa yimid iyadoo shirkadda, oo ah deyn bixiye tignoolajiyadeed oo muhiim ah, ay ku mashquulsan tahay sidii ay lacag u ururin lahayd, si ay u daboosho khasaaraha ka imanaya iibinta hantida, ee ay keentay dulsaarka xad dhaafka ah.

Dhibaatadan, ayaa waxay keentay in macaamiishu ay degdeg ugala baxaan lacagtooda bangiga, oo ay cabsi ku abuurtay xaaladda aan daganeyn ee bangiyada.

Saraakiisha ayaa sheegay inay tallaabadan u qaadeen si ay u “ilaaliyaan dadla lacagta dhigtay bangiga, ee caymiska ku jira”.

Bangiga Silicon Valley, ayaa wajahay nooc dhibaato oo ah “dhaqaalo yari, iyo khasaare”,

Maamulayaasha bangiyada ee gobolka California ee cariga Mareykanka, halkaasoo shirkadu ay ku leedahay xarunteeda, ayaa shaaciyey markii ay la wareegayeen bangiga.

Shirkadda Caymiska ee lacagaha bangiyada ee heer federal (FDIC), oo sida caadiga ah ilaalisa lacagaha la dhigto bangiyada ee dhijitalka ah, illaa iyo $250,000, ayaa sheegtay inay la wareegtay ku dhawaad lacag gaareysa ​​$175bn (£145bn) oo dhijital ah.

Lacagahan, ayaa ah kuwa dhigaalka ah ee lagu hayo bangiyada, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 16, oo ah kuwa ugu waa weyn ee dalka Mareykanka.

Xafiisyada bangiyada, ayaa dib loo furi doonaa, macaamiisha haysta ay u taallo lacagahana, waxey fursad u heli doonaan lacagahooda iney la bixi karayaan “ugu dambayn subaxnimada Isniinta”, sida ay sheegtay hey’adda (FDIC).

Hey’adda, ayaa intaa ku dartay in lacagta laga helo iibinta hantida bangiyda, in lagu biirin doono lacagaha yaalla bangiyada ee dijitalka ah, iyadoo aan laga jarin khidmadda caymiska.