March 11, 2023
Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta.
Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Tallaabadan ayaa waxey ka dhigan tahay in qof waliba ay tahay inuu qaato kaarka aqoonsiga (National ID). Tani ayaa noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la’aanta, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey’adaha dowladda. Wasaaradda Arrimaha […]
Bangiga weyn ee Silicon Valley Bank oo musalafay
Xeer-ilaaliyeyaal Maraykana, ayaa xiray Bangiga Silicon Valley (SVB), waxayna la wareegeen kaydkii macaamiishooda, taasoo noqoneysa fashilkii ugu weynaa ee bangi Maraykan ah, tan iyo sanadkii 2008dii. Tallaabooyinka, ayaa yimid iyadoo shirkadda, oo ah deyn bixiye tignoolajiyadeed oo muhiim ah, ay ku mashquulsan tahay sidii ay lacag u ururin lahayd, si ay u daboosho khasaaraha ka […]
In ka badan kun muhaajiriin ah oo ku go’doonsan xeebaha Talyaaniga.
Xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo badbaadinayo 1,300 oo tahriibayaal ah, oo la socday doomo aad loo buux dhaafiyay. Ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha ee dalkaasi, ayaa sheegay inay ku dadaalahayaan sidii ay u caawin lahaayeen saddex markab oo u dhow gobolka koonfurta ee Calabria. Ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa […]