1 min read

QM oo $55 milyan ku bixisay si ay u badbaadiso markab shidaal oo ku xumaaday xeebaha Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegtay inay iibsadeen markab lagu wareejinayo in ka badan hal milyan oo foosto oo saliid ah oo ku kaydsan markabka la dayacay ee yaalla xeebaha dalka Yemen, kaas oo halis badan ku haya deegaanka badda cas. Hawlgalka badbaadinta markabkan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo horraanta bisha May ee soo socota.

“Iibka markabkani, waa tallaabada ugu muhiimsan ee loo qaaday dhinaca xallinta arrinta la xidhiidha markabka FSO Safer, taas oo soo taagnayd tan iyo sideedii sano ee la soo dhaafay” sidaas waxaa sheegay Xidhiidhiyaha hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u jooga Yemen, David Gressly.

Qaramada Midoobay ayaa dhawr sano ee la soo dhafayba, ka digaysay halista ka dhalan karta markabka FSO Safer, kaas oo shaqaynayey muddo 47 sano ah, hase ahaatee haatan xaaladdiisa lagu tilmaamay inay tahay ‘miino qarka u saaran inay qaraxdo’, taas oo looga jeedo, duugowga Markabka iyo shidaalka saaran oo laga baqayo haddii uu badda ku daadiyo, inay noqonayso masiibo deegaan oo halis badan.

Kooxaha dhinaca deegaanka ayaa sheegay in haddii shidaalka markabkan saarani uu badda ku daato in nadiifintiisu ay ku kacayso illaa $20 bilyan oo dollar, iyo weliba in maraakiibta laga leexiyo marinka Suez Canal.

Markabkan ayaan helin wax dayactir ah, tan iyo sannadkii 2015.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in markabka ay kiraysatay inuu ugu kacay illaa $55 milyan oo dollar.

Warbixintan waxaa qortay Margaret Besheer