1 min read

Dowlad deegaanka Soomaalida oo ka jawaabtay eedeynta Somaliland.

War saxaafadeed kasoo baxay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa loogga jawaabay, eedeyn ay soo jeedisay dowladda iskeed madax banaanida ugu dhwaaaqday ee Somaliland.

War saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in ciidan ka socda ismaamulka Soomaalida Itoobiya, aanay qeyb ka ahayn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Soomaalida Itoobiya, ayaa tilmaantay in muddo ah inay ka gaab sanaysay ka jawaabista eedeymo iyo dacwooyin is daba joog ah, oo kaga imanaysay dhanka Somaliland.

Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax banaanida ee Somaliland, ayaa sheegtay mar sii horeysay in ciidamo ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ay qayb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qodobo dhowr ah oo ka soo baxay kulan uu madaxweyne Muuse Biixi ku hoggaaminayay shirka golaha wasiiradda Somaliland, ayaa loogga hadlay xaaladda Magaaladda Laascaanood.

War-murtiyeedka ka soo baxay kulankaas, ayaa lagu sheegay in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo taageeraya kuwa deegaanka ay ka dagaalameen Laascaanood.