1 min read

Maamulka Puntland oo toogasho ku fulisay 19 qof.

Sida ay qortay warbahinta dowladda, maxkamadda ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku fulisay 19 qof oo 13 ka mid ah ay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish, halka kuwa kalena ay ahaayeen askar ka tirsaneyd ciidamada Puntland.

Askartan ayaa hore dilal kala duwan uga fuliyay deegaannada Puntland, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore dilal toogasho ah ku fulisay rag ay sheegtay inay ka tirsanayeen kooxaha Al-shabaab iyo Daacisho, kuwaas sida ay sheegtay in lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Toogasho wadareed noocan oo kale ah ayaa bishii July sannadkii 2021
maxkamadda Ciidamada Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku fulisay 18 qof oo lagu xukumay dil, kadib markii ‘lagu helay falal aragagixisonimo ah’ sida ay sheegtay waaxda caddaaladda ee Puntland.