1 min read

Barlamaanka Soomaaliya oo si buuxda u ansixiyay Sharciga la Dagaalanka Argagixisada.

Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ansixiyay Sharciga La Dagaalanka Argagixisada oo tan iyo dawladdii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf xiliyo kala duwan la horkeenay Barlamaanka Soomaaliya, balse lagu guuldaraystay in la meel mariyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamad Nuur Madoobe oo gudoomiyanay shirkii maanta ayaa sheegay in 133 xildhibaan ay gacan taag ugu codeeyeen sharciga, halka seddex xildhibaan ay diideen, todobbo kalena ay ka aamuseen.

Sharciga ayaa u gudbi doona Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka oo isna dood ka yeelan doona, haddii uu ansixiyayna wuxu u gudbi doonaa Madaxweynaha.