1 min read

Chelsea oo u soo gudubtay wareegga 8-da ee Champions League-ga

London — Kooxda Chelsea ayaa u soo baxday wareega Siddeedda ee Champions Leaque-ga, kadib markii ay xalay 2-0 uga badisay kooxda Borussia Dortmund ciyaar ka dhacday garoonka Stamford Bridge, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta goolka u dhaliyay Raheem Sterling iyo rigoore muran badan dhaliyay oo uu dhaliyay Kai Havertz.

Lugtii hore ee kulanka labada kooxood ee ka dhacay guriga Dortmund waxaa saddex toddobaad kahor 1-0 kusoo badisay kooxda Jarmalka, waxayna xalay rajeyneysay inay sii wadato qaab ciyaareedka sannadkan cajiibka ahaa.

“Waxaan soo bandhignay qaab ciyaareed cajiib ah, fursadahana waan ka faa’iideysannay” ayuu Sterling u sheegay BT Sport.

Waa guuldaradii ugu horeysay ee Dortmund kasoo gaarta 10-kii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana dhinaca kale guushan ay sare u qaadday niyadda kooxda daala dhaceysay tan iyo billowgii sannadka ee Graham Potter oo horyaalka Premier League-ga kaga jirta kaalinta 10-aad.

Dhinaca kalena kooxda Benifca ee waddanka Portugal ayaa ku durdurisay kooxda Club Brugge kadib markii ay 5-1 uga badisay ciyaartii xalay, iyada oo cel-celis ahaan labadii kulan kusoo gudubtay 7-1.

Reuters.