1 min read

RW Xamsa oo shaqo joojin ku sameeyay Guddiga Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddiga maamulka Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (HDRS), ka gadaal marlii lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aan Holwadeenada Guddiga Maamulka iyo Madaxa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Warqadda sumaddeydu tahay XFR/0115 oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuuadda March 5, 2023-ka ayaa lagu shaaciyay in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu shaqada ka joojiyay Guddiga maamulka Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa amray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS in ay soo diyaariso una soo gudbiso Golaha Wasiirrada wax kabadalka sharciga Hay’adda si ay ula jaan qaado Hay’adaha duulista Rayidka ee Caalamka, iyada oo Wasaaradda lagu amray in Xukuumadda u soo gudbiso Habraaca Guddiga Maamulka Hay’adda.

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in uu Saxiixay xil ka qaadistaan, ayna dhaqan gashay.

Dhanka kale warqad ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa lagu sheegay in ay dhaqan gashay Wareegtada ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ee xilka looga qaaday Guddiga maamulka Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (HDRS).

Halkaan ka akhriso Warqadda ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS