1 min read

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku eedeeyay Guddoonka baarlamaanka inay ka shaqeynayaan muddo kororsi.

Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaliya ayaa ka fal celiyey warqad kasoo baxaday Xafiiska Guddomiyaha Baaralamaanka Soomaliya oo ku sabsan wax ka baddelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inay ka shaqeynayaan muddo kororsi. Warqadda kasoo baxday guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in lagu magacaabay guddi ka kooban 10, kuwaas oo kasoo tala bixin doona wax ka baddelka dastuurka.

Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayuu ku sheegya in loo baahnaa in laga fakaro sidii looga bixi lahaa nidaamka doorashada dadban ee aan laga filayn in ay muddo korarsi ka fekeraan guddoonka baarlamaanku.

Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada.” Ayuu ku yiri xil Cabdiraxmaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaa uu sheegay in aan xilligan looga baahnayn guddoonka baarlamaanku in ka fekeraan muddo kororsi “iyaga oo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi lagasoo maray.” Ayuu yiri.

Warqadda kasoo baxday guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in guddi lagu magacaabay kaas oo kasoo tala bxin doona soo jeedinta wax ka baddelka dastuurka oo ay ku “saxiixanyihiin 97 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya,” sida ku xusnayd warqadda.

Ujeedada warqadda oo lku suntay “magacaabid guddi gaar ah” ayaa lagu sheegay in guddigu “war bixin kasoo diyaarin doono wax-ka-baddel iyo Kaabis Dastuurka Ku-meel-gaarka ah,” iyo “in uu war bixintiisa u soo gudbiyo Guddoonka Golaha Shacabka si loogu daro ajendooyinka kulanka Guud ee Golaha Shacabka.” Ayaa lagu yiri Warwadda.