1 min read

Shiinaha oo ka jawaabay amar ay dowladda Mareykanka ka soo saartay TikTok.

Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu si xad dhaaf ah uga falceliyay ka dib markii shaqaalaha dowladda Mareykanka lagu amray inay ka saaraan app-ka TikTok taleefannada ay dowladdu bixiso.

Isniintii, Aqalka Cad ayaa soo saaray amar uu wakaaladaha dowladda 30 maalmood ku siiyay inay hubiyaan in shaqaaluhu aysan haysan app-ka Shiinaha laga leeyahay ee TikTok.

Amarka ayaa daba socda dhaqdhaqaaqyo la mid ah midkaan oo ay qaadeen Midowga Yurub iyo Canada toddobaadyadii la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu ku takri falay awoodda dowladda si uu u caburiyo shirkadaha shisheeye.

“Waxaan si adag uga soo horjeednaa falalkaas qaldan,” Mao Ning ayaa u sheegtay warfidiyeenka intii lagu guda jiray shir jaraa’id Talaadadii.

“Dawladda Maraykanku waa inay ixtiraamtaa mabaadi’da dhaqaalaha ayna joojiso caburinta shirkadaha oo ay siiso jawi furan, cadaalad ah oo aan takoor lahayn shirkadaha ajnabiga ah ee Maraykanka.”

TikTok ayaa wajahaysa eedeymo ah in ay aruuriso xogta dadka isticmaala bartaas ayna la wadaagto dowladda Shiinaha, iyadoo qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka ay ka walaacsan yihiin in macluumaadka xasaasiga ah la soo bandhigo marka app-ka lagu soo dejiyo aaladaha dowladda.

TikTok waxay sheegtay inaysan waligeed u hogaansami doonin amarka lagu wadaagayo xogta dadka isticmaala app-ka waxayna ku adkaysanaysaa inaysan u shaqaynayn si ka duwan shirkadaha kale ee warbaahinta bulshada.