1 min read

Ururka Iskaashiga Islaamka oo deegaannada lagala wareegay AS ka hirgelinayo mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab.

May be an image of 7 people, people standing, people sitting and indoor

Dhanka kale Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey garab istaagga ay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaataan gurmad iyo arrimaha ku saabsan Bini’aadannimada.

May be an image of 3 people, people sitting and suit

Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada lagala wareegay Alshabaab, kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed.