3 mins read

Khatar cadiim ah. ( Sharciga ogolaanayo in loo galmoodo Xayawaanka) .

New Animal rights legislation

Nin ayaa yiri: (Aduun la joogo ma jiro, Aakhiro loo ordana lama soo sheegin)

1. Hore waxaan u aragnay wadamo ilbaxnimo sheeganayo oo Sharciyeeyay in Laba Qof oo Lab ama Laba Qof oo Dumar ah ey is guursan karaan ama ey isku Galmoo karaan Haddii ey raali isaga yihiin.

2. Mar kale waxa ey soo saareen Sharci ah in Caruurta yar yari ey Xaq u leeyihiin in ey go’aansadaan in ey noqdaan Lab ama Dhidig kii ey rabaan, waalidkoodna aan lagala tashaneeyn. Xattaa magacooda waa badali karaan. Tusaale: Gabadhaada Saqiirta ahi waxa ey la bixin kartaa Magaca Axmed wiilkuna waxa uu la bixi karaa Magaca Xaawo.

3. Spain oo hore u ogolaatay in ey Caruurta yar yari ey isku Galmoo karaan mar kasta oo ey rabaan iyagu, ayaa Haddana Bishaan Feb. 2023 Baarlamaanka Dalka Spain waxa uu ansixiyay Sharci, kadibna sharcigaa waxaa loo gudbiyay Aqalka Sare ee Spain si iyana ey u ansixiyaan.

New Animal rights legislation

Sharcigaas oo ah in Raggu uu u Galmoo karo Xayawaanka “Xoolaha” dhidig. Dhumarkuna Xayawaanka Lab. Sida Fardaha, Dameeraha, Lo’da, Ariga, Eeyaha, Bisadaha, Doorada iyo Xayawaanada kale.

Sharcigu waxa uu mamnuucayaa
1. in Xawayaanka la dhileeysiyo oo jirkiisa laga ganacsado.
2. in aan dhaawac xanuunjiyo oo u baahan in la daaweeyo aan loo geeysan karin marka loo galmoonayo.
Yaa sheegayo in uu xanuunsaday?. Gaaladu hore waxa ey noogu sheegi jireen Ururo ey maalgaliyaan oo u doodo Xuquuqda xayawaanka. Aawday beentaasi, yaa og in uu xayawaankaasi raali ka yahay iyo in la khasbayo. Horeba Gaaladu ficiladaan xun xun waa ku kici jireen, Hadda waa sharciyeeyeen, si laguugu soo gudbiyo. Kadib ayaa Doqladii iyo Xisbiyadii bilaabeen in ey isku tuurtuuraan la isku eedo la isku inkiro.

Hadda waxaan hubaa in ey jiri doonaan kuwo NGO ah oo Mashruucaa Lacag lagu soo sii doono si ey Somaliya uga hirgaliyaan. Somalida ayaa tiraa: Geeridii Galbeed laga sheego, Gondahaaga ka day.

Dowladda Poland ayaa hadda waxaa ka socdo Dood ah in la mamnuuco Hilibkii Xoolaha oo ey ka qaadan jirtay Spain.

Digniin:

Gabi ahaanba waa wax ey mamnuucday Diinteena islaamku. Waana in laga digtoonaado Dadka isaga Dayda Gaaladu waxa ey ku dhawaaqaan iyo Dhaqankoodana in aad wax sax ah u qaato oo aad isga dayato. Waana in aan Dalka la soo galin dhaqankaa aad iyo aadka u foosha xun oo dhambiga ah. Horaa Diinteenu noogu Sheegtay Kuwa la yiri: (waa sida Xayawaanka Nimcooleyda ah Caqligoodu, Iskaba daaye waa ka liitaan)

FG: Bilawgii Sanadkaan waxaa Midawga yurub uu ogolaaday sharci lagu ansxinayo in la cuno Xasharaadka oo dhan sida Baranbarada, laguna daro dhamaan Cuntooyinka la cunayo iyo Cabitaanada sida Buskutka iyo Kafeeda. Lana joojiyo ama la yareeyo isticmaalka hilibka Xoolaha iyo Caanaha.
Haddii Alla idmo waxaan idiin soo qori doonaa Sharcigaa wadamada diiday iyo Hadafka laga leeyahay oo ey ka mid tahay in looga Hor tago Saddax Aayadood oo Qur’aanka kariimka ku jirto.

Walaalayaal, Aan wadaagno Wixii Xog ah ee Dunida ku soo kordho, hana laga digtoonaado Xumaanta la fidinaayo si Dadku ey u duloobaan, inta eynan kuugu imaan Dalkaaga, Magaaladada, Deriskaga iyo Gurigaaga . Aduunyo waa xumaatay, Waa iga talo.

Qore: Yahya Amir