1 min read

Somaliland oo loohu baaqay inay ciidamadeeda ka saarto magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatada ka socota Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiirka oo hadal ka jeedinayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah in xabadda la joojiyo, ciidankana laga saaro Magaalada, isaga oo hoosta ka xariiqay in laga gudbay xilligii colaadaha iyo dirirta.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadaya xilli dagaal galay todobaadkii Saddexaad uu ka socdo duleedka Laas-Caanood, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in inta badan degaannadii lagu dagaalanay ay la wareegeen Ciidamada degaanka.