1 min read

“Ronaldo wuxuu qaatay dhaqanka Sucuudiga” – Warbaahinta Galbeedka oo aad wax uga qoraysa khamiiska Ronaldo

Riyaad – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa lagu xifaaleeyey inuu ”qaatay dhaqanka sucuudiga” iyo moodada soo jireenka ah si uu ugula dabaaldego Maalinta Aasaaska dalkaasi bariga dhexe – iyadoo la arkayey xiddiggan Bortuqiiska oo dhoolla cadeeyanaya jeer uu asxaabtiisa Al-Nassr kula raaxaysanayey maalin farxadeed, sida uu qoray Daily Mail oo ay wehliyaan warbaahinta kale ee Galbeedku sida Goal, Mirror, MSN, AS iwm.

Ronaldo ayaa si aan caadi ahayn isugu muujiyey maalintan gaarka ah oo loogu talagalay in sidoo kale ay door ku yeeshaan saaxiibadiis ay u wada dheelaan hoggaamiyayaasha horyaalka Boqortooyada Sucuudiga.

Xiddigga reer Portugal ayaa soo xirtay khamiiska horay ka furan ee daqlah ee asalka ah si uu ugu dabaaldego munaasabadda Maalinta Sacuudi Carabiya u dabbaaldegayo aasaaska dowladdii ugu horreeysay ee dalkaas saddex qarni kahor, sida ay sheegeen.

Ronaldo oo ay saaxiibadiis la socdeen, ayaa la sawiray isagoo cabbaya qaxwo, sawirro  gelaya, islamarkaana ku dheelaya seef loogu tala galay dabaaldegga.