1 min read

Golaha Amaanka QM oo ka hadlay xaalada Soomaaliya.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda Haweenka  Soomaalida, nabadda iyo amniga.

Golaha Amaanka sheegay  in weerrada sii socda ee Al-Shabaab oo ay weheliso xaaladda bani’aadaminnimo ee daran, abaarta iyo hannaanka siyaasadeed ee caqabadaha wata ay sii kordhiyeen halista ilaalinta dadka soo barakacay, kuwaasi oo 80% ay yihiin dumar iyo carruur.

Golaha Amaanka ayaa ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay muhiim tahay in la baaro, sharcigana lala tiigsado kuwa ka dambeeya Tacadiyada Bani’aadanimo ee ka dhaca Soomaaliya  sidoo kalena dhammana dhinacayada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadaminnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo in kuwa xadgudubyada gaysta lala xisaabtamo.

Waxay sheegeen in ka sokow ballanqaadka la sameeyey ee ahaa in haweenku helaan 30% ay weli hoosayso ka qaybgalka haweenka ee go’aannada siyaaseed.

Goluhu wuxuu intaas ku dararay  in ay dhiirrigelinayaan inay haweeenku si buuxda oo siman u yeeshaan matalaad .

Waxay sheegeen oo kale in haweenka haya mansabka siyaasadeed ay la kulmaan cabsigelin, hagardaamo iyo qalalaase.

Dhinaca kale’ Amaanka Qaramada Midoobay kulan gaar aah k yeeshayColaada Laascaanood ka Taagan Waxaana Golaha uu ugu baaqay Soomaliland in ciidamadeeda ay ka saarto gobolka sool wadahadalna ay la furto Odyaasha Dhaqanka gobolka Sool si nabada iyo xasilloonida loogu soo celiyo gobolkaas .

Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa ugu baaqay dawlada Federaalka Soomaaliya in ay qaadato doorkeeda ku aadan daminta Xiisada ka tagaan Laascaanood.

Golaha Amaanka Qaramada ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in lala xisaabtamayo   Cida mas’uuliyada madaafiicada lagu gaaracayo Magaalada laascaanood ee Dadka shacabka ah waxyeelada kala duwan ay ka soo gaareyso.