1 min read

Deg Deg:Dhul-gariir ka dhacay Jesiirada Sicily ee dalka Talyaaniga.

Xarunta La-socodka Dhul-gariirka ee Europe iyo Badda Mediterranean ayaa soo werisay inuu Dhul-gariir ka dhacay meel ka baxsan Jesiirada Sicily ee dalka Talyaaniga.

Dhul-gariirkaasi oo Halbeegiisu ahaa 4.5 Richter Scale ayaa waxa uu dhacay 01:11 daqiiqo ee Saqdii Dhexe ee xalay ee xilliga dalkaasi.

Xuddunta Dhul-gariirka ayaa waxa uu ahaa meel 94 KM dhanka W/Bari kaga toosan magaalladda Palermo oo ah Caasimadda Gobalka Jesiirada Sicily oo ku taalla Badda Mediterranean waa mid ka mid ah 20-ka Gobal ee uu ka kooban yahay dalka Talyaaniga.

Gobalka Jesiirada Sicily (Regione Siciliana) oo ku taalla Koonfurta Talyaaniga waxaa ku nool 5 milyan oo qof.

Lama soo werinin wax khasaaro Nafeed ama Qalab oo uu geystay Dhul-gariirkii xalay ka dhacay jesiiradda Sicily.

Dhanka kale, Jesiiradaasi waxaa horey uga dhacay Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 7.5 Richter Scale bishii December 28-dii ee sanadkii 1908-dii oo ah, waxaana ku dhintay in ka badan 100,000 oo qof.

Muddo daqiiqado kadib, Dhul-gariirkaasi lagu le’day waxaa ku xigtay Sunaami ku dhuftay Xeebaha la deriska ah Jesiirada Sicily, iyadoo ay 93% Dhismooyinkii ku taallay Messina at ku burbureen, iyadoo ay ku dhinteen Ku-dhawaad 70,000 oo qof.

Dhul-gariirkaasi waxaa loo aqoonsaday mid ka mid ah Dhul-gariiradii ugu ballaarnaa ee ka dhaca dalka Talyaaniga, waxaana Dhul-gariirkaasi loo yaqaanaa Dhul-gariirkii Messina (The Messina earthquake).