1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay warar sheegaya in gaadiid dagaal oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda leedahay uu gacanta u galay Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Abshir Jaamac Muuse ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhex mararay oo sheegay in gaadiid dagaal oo uu isagu leeyahay uu gacanta u galay Al-Shabaab.

Wuxuu warkan ku tilmaamay mid been abuur ah oo marin habaabin ah.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya leedahay oo ka maqan gacanteyda ama u galay Al-Shabaab, wararka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jahwareerinayo umadda Soomaaliyeed,” ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.