1 min read

Xisbiga Himilo Qaran oo kasoo horjeestay muddo kororsi loo sameyn rabo Hay’adaha dawladda Federaalka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu madaxda ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo horjeestay waxa uu ku tilmaamay muddo kororsi la damacsan yahay in loo sameeyo Hay’adaha dawladda Federaalka.

War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay “wuxuu gebin ahaaba xisbiga kasoo horjeedaa muddo kororsi noocey rabto há naqotee”.

Wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka inay ilaaliyaan sharciga isla markaana ka fogadaan tallaabo kasta oo muddo kororsi ah.

Waxaa maalmahan la hadal hayay soo jeedin ku aadan in muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya.