1 min read

Tartanka kubada Cagta Degmooyinka gobolka Banaadir oo Si Rasmi ah loo Daahfuray .

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Daahfurka  Tartankan oo ka dhacay garoonka kubada cagta  ee Eng Yariisoow Stadium ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Muqdisho.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanadkiiba  mar la qabtaa, kaas oo ay usoo daawasha tagaan kumanaan dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Gobolka.

Kooxda Degmada Dharkeenley oo kooban difaacaneysa iyo Kooxda Degmada Balcad ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.