1 min read

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankooda uga doodaya Ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

  1. Dhaarinta Xildhibaanka Cusub ee Xasan Hurre Ugaas , kaas oo dhawaan ku guuleystay kursiga HOP#203 oo doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre.
  2. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta
  3. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka
  4. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Ladagaalanka Argagixisada
  5. Qeybinta Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah
  6. A) Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha
  7. B) Socdaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii todobaadkaan waxaa ay ansixiyeen Hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hindise sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa.