1 min read

Hanti-dhawraha cusub ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo la wareegay xilka Xafiiska Hantidhowrka.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Hantidhawraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale iyo Hantidhawrihii hore ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bankiga dhexe, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda, Xildhibaannada labada Aqal iyo marti sharaf kale.

Hantidhawrihii hore ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xafiiska joogay, isaga oo balan qaaday in uu la shaqeyn doona Hantidhawraha cusub ee Qaranka.

Abuukaate Axmed Ciise Guutaale Hantidhawraha guud ee Qaranka oo ka hadlay munaasabadda ayaa dhankiisa ugu horreyn u mahadceliyay Hanti-dhawrahii hore ee Qaranka iyo guud ahaan shaqaalaha, heerka ay soo gaarsiiyeen Xafiiska.

Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Abuukaate Guutaale ayaa balan qaaday inta uu xafiiska jooga in uu ka shaqeyn doona; dhamaystirka howlaha Xafiiska qabyada ka ah iyo Hirgalinga Nidaam daahfuran oo shaqo kaas oo Xafiiska ku guto Waajibaadkiisa shaqo.

Dhanka kale Hanti-dhawraha guud ee Qaranka ayaa balan qaaday dhisidda iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha iyo Saaxiibada Soomaaliya ka taageera kabka Miisaaniyadda, Mashaariicda iyo Hannaanka deyn cafinta.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa 9 February 2023-ka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka u magacaabeen Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, ka dib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.