Somalia oo malaayiin Doollar ugu deeqaysa dhul-gariirka Turkiga .
Muqdishoโ ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ต-๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐ผ๐น๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ธ๐๐น๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ด๐๐ฟ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ฒ๐ฒ ๐ง๐r๐ธ๐ถ๐ด๐ฎ, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xukuumadda Somalia.
โRaโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.โ Ayaa la raaciyey.
โKulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Raโiisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaaโudiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Raโiisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Doollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan howlaha gurmadka deg degga ah.
Mudane Xamse wuxuu sidoo kale u soo jeediyey in madaxda Maamul-gobaleedyadu ay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaataysan.
Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhanka kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, isagoo ku baaqay in si shuruud laโaan ah lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado.
Ganacsatadii shirka caawa ayaa iyana la sheegay inay bixinayaan lacag dhan 3 milyan oo Doollar oo kale, waxaase la is waydiinayaa sababta taakuladan looga reebay dalka Syria oo dagaalladii sokeeye ee ay galeen kahor ka mid ahaa dalalka Carbeed ee aad u caawiyey Soomaalidii dalkooda tagtay.ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Halkan ka DAAWO sawirradaโฆ