2 mins read

= Nasashada Jimcaha. Q- 344-aad= Somaliya sidaani ma ka jirtaa? Gobalkee u badan?

1. Nin Caaqil ahaa ayaa yiri: ” Be careful who you let on your Ship, because some people will sink the whole ship just because they can’t be the captain” . ( F. S:1aad)

Ka taxadar Dadka aad u ogolaanee in ey Markabkaaga raacaan, waxaa jiro Dad rabo in Markabka oo dhami uu quuso badda, sababta oo ah waxa ey ogyihiin in eynan Noqon karin Kabtankii Markabka Hogaaminayay.

( Ma laga yaabaa in Villada ey Joogaan Dad rabo in Villada lagu kala tago, Sababta oo ah iyagu ma noqon karaan HADDA Kuwii hogaami lahaa Villada)

2. George Orwell, ayaa yiri: “However much you deny the truth, the truth goes on existing” . ( F.S: 2aad)

Si kasta oo aad isagu daydo in aad Runta inkirto, Runtu weligeed waa jiree.

( Ogow, Allaah ayaa na faray in aan Runta sheegno )

3. Waxaa jirto Murti leh: “Don’t force yourself to fit in somewhere you don’t belong” . ( F.S: 3aad)

Naftaada ha ku khasbin in aad galisu meel eynan ka tirsaneeyn.

( I am American, I am British, kuwa leh ameey isku curjihaayaan meel eynan ka tirsaneeyn)

4. Oday Malaaq Muudeey ayaa yiri: Muqdisho waxaa Nuugayo Dowladii Dowladiina waxaa nuugayo Maamul gobaleedyadii. ( F.S:4aad)

( No Comment)

5. Waxaa la yiraa: Hindiya Arooska kadib Naaguhu waa sii cayilaan, Ragguna waa sii tacbaanaan. ( F.S: 5aad)

( Somaliya sidaani ma ka jirtaa? Gobalkee u badan?)

6. Soren Kierkegaard ayaa yiri: “there are two ways to be fooled. One is to believe what is not true, the other is to refuse to accept what is true” . ( F.S: 6aad)

Waxaa jirto laba si oo dabaal lagaaga dhigi karo. Mid waa in aad aaminto wax aan Run aheyn. Tan kale waa in aad inkirto wax Run ah.

( Labada wax ee la isku dabaaleeyo Somaliya, ee laguu diyaariyo. 1.wax jiro in aad inkirto. 2.wax aan jirinna aad aaminto, marka Somaliya la joogo labadaasi ma yihiin Siyaasadda iyo Taariikhda).

 

Qore: Yahya Amir