1 min read

Kenya oo ciidamado ku daabulayso gobolka Rift Valley.

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa amar ku bixiyay in ciidamada ay ku biiraan howlgalka lagu sugayo amniga ee ka dhanka ah burcadda hubeysan ee ka dagaalanta gobolka Rift Valley ee waqooyiga dalka Kenya.

Amar dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada la geyn doono halkaas si ay u taageeraan booliiska laga bilaabo maalinta Arbacada. Burcadda hubaysan ayaa tobaneeyo qof ku dilay halkaas bilooyinkii la soo dhaafay.