1 min read

Dowladda Soomaaliya oo saartay amar ku wajahan shirkadaha isgaarsiinta.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay iyadoo la dhaqan galinayo xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqida iyo Maalgalinta Argagixsada looga baahan yahay shirkaddaha bixiya adeega lacagaha la isugu diro teleefanada inay diiwaangaliyaan xogta macmiilka qaadanaya sim kaarkooda, kuwii horey u qaatayna looga baahan yahay inay muddo shagaashan maalmood ah dib loogu diiwaangaliyo macluumaadkooda.

Dawladdu waxa kale oo ay sheegtay in lacag ka badan $300 aanu maalintii macmiilku u isticmaali karin lacagaha dhaqdhaqaaqa takeefankiisa.

Shirkadaha caymiska, kuwa dhismaha iyo dhulalka ayaa iyana loogu baaqay inay iska diiwaangaliyaan hay’addaha dawladda.