1 min read

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine, ku xigeenkiisii iyo 15 qof oo kale oo ku dhintay shil diyaaradeed

Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka Ukraine.

Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka ku dhawaad 11-ka bilood ee u socday Ruushka.

22 qof ayaa ku dhaawacantay oo ay ku jiraan 10 caruur ah.

 

AP.