1 min read

Jaaliyada Soomaalida ee Zwolla oo lagu soo dhaweeyey xarunta degmada Gemeenthuis

Duqa Magaalada Zwolle ee xarunta Gobolka Overijsal Peter Snijders ayaa ku dhoweeyey xarunta Degmada Magaaladaasi [Gemeenthuis] xubo uu horkacayay Guddoomiyaha Jaaliyadaha Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda, ahna Guddoomiyaha Jaaliyada guud ee Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo SFON.

Cabdulqadir Cali Nuune ayaa waxaa uu hor dhigay duqa magalada Zwolla kataliya ama Liga ga dambeya mamulka gobalkaasi bahi da dadka ku nool magalada Zwolla iyo nawaxigeyda sidii loo dhageysan Lahaay shacabka uu madaxda u ahay Cabdulqadir Nuune dakii ka soo qeybagalay kalfadhigasi qumaha badnaay ayaa su’aalo dhaxal gal ah ay ku weydiyeen madaxdii ay la kulmeen jaaliyada soomaliyed ee ku dhaqan magalada Zwolla.

Hadaba soomaalidii kulankaasi ka soo qeybagaleen ayaa waxaa ay dalbadeen in ay helaan masjid ay maamulaan mashaaciqda soomaliyeed ee ku nool magalada Zwolla iyo dhowr arimood ka turjumayay baahidooda sidii loogaga kaafin lahaay.

Gudoomiyaha jaaliyada soomaliyed Cabdulqadir Nuune ayaa waxaa kaloo uu shegay in dadka soomalida ah ay u bahan yihiin xarumo markasi dhalankooda ay ku sii baraan dhaqan iyo hidahooda iyo in la sii kordhiya isdahaxgalka dadka ajanibta ah ee ku nool magalada zwolla ” Zwolle waxaa deggan ajnabi badan, Soomaaliduna waa ka mid, waxaan kala hadalnay duqa Zwolle waxqabadka aan ka sugeyno Gemeentiga & sidii mushtamaceenu kaga faa’ideysan lahaa fursadaha dhinacyada waxbarashada & shaqada” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo dhinaca kalena tilmaamay in duqa Zwolle dhinaciisa u sharaxay Soomaalida qaabka ay u shaqeeyaan Gemeente ahaan. Ugadambeyntii kulankasi waxaa kahadlay xaaji Macloow oo kamid ah odayasha deeganka Zwolla iyo xaaji candulaahi cisa Iyo candulqadir mansuur oo asgana kamid ahaa macalin maraksi bara ka ah med kubada cagta. Iyo macalin xasan kulankasina waxaa uu ahaa mid markasi mamulka ay aad ugu farxen jaliyada maraksi hal fikir leh ama isku mowqif ah.

Bashiir Jiidaal Baroow
soomaliweyn Holland Zwoolla