1 min read

Howlgalka ATMIS oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka kadib qabashadii Xarardheere iyo Ceeldheer.

Bayaan kasoo baxay Howlgalka KMG ee Midowga Afrikca ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa lagu sheegay in Ergayga Gaarka ah ee guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalkan Danjire Maxamed Al-Amiin Souef uu ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed xoreynta magaalooyinka Ceeldheer, Xaradheere, Galcad iyo Xiindeere ee Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerda loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu yiri Danjire Souef.

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana anaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu Danjire Souef sida lagu sheeegay warsaxafadeed kasoo baxay ATMIS.